Degmada Kaxda ee gobolka banaadir oo maalmihii aanu soo dhaafnay ay soo gaarayeen dad fara badan oo ka soo barakacay abaaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka ayaa xalay degmadaasi Hooyo ka mid ah barakaacaaysha oo u mushay ay dhashay 3- caruur mataana ah, xili ay la daala dhaceyso dhibaato ay kala kulantay Abaarta.
Gudoomiyaha degmada Kaxda ee Muqdisho Maxamed Ismaciil Cabdullaahi oo gacanta ku haya haweeneydaas ayaa ka warbixiyey xaaladeeda caafimaad, oo uu sheegay inay taalo Isbitaalka Al-birri oo hada lagu daaweynayo, waxaana uu tilmaamay inay saqiireen laba ka mid ah caruurta ay dhashay hooyadaasi.
Waxaa uu ku baaqay gudoomiyaha Kaxda in loo gurmado Hooyadaasi uu sheegay inay u baahantahay kaalmo caafimaad.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.