Hanti dhowraha Guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka hadlay xilkii qaadistii xalay ay ku sameeyeen golaha wasiirada xukuumada, islamarkaana ka horyimid tallaabada xilka looga qaaday.
Dr. Nuur ayaa sheegay in xilka qaadistaas eysan ahayn sharci, islamarkaana golaha wasiirada ay leeyihiin  kaliya soo jeedin,waxaana uu xusay inay muhiim tahay ina la’ilaalio sharciga iyo kala danbeynta, oo uu tilmaamay inay xilka qaadikaraan oo kaliya xildhibaanada baarlamaaka.
Hanti dhowraha ayaa intaasi ku daray inuu xafiiska sii joogi doono tan iyo inta xilka looga qaadayo sifo sharci ah, sida uu yiri, oo uu xusay inuu yaqaano waxa uu ku weyn karo xilkiisa.
Xilka qaadistaan ayaa timid, kadib dilka wasiirkii howlaha guud Cabaas Sheikh Cabdullaahi Siraaji oo lagu eedeynayo inay ka danbeeyeen ilaalada Hanti Dhowraha Qaranka.
Halkaan hoose ka dhageyo Codka.