Galgaduud-DalsanFm- Idaacada Dalsan Ayaan Shalay Baahiska Codaka Dad Xoolo Dhaqato Ahaa Oo Ku Soo Xool Beelay Abarah Kajira Deeganada Galmudug Soona Garay Xeeroyin Barakacyaal Oo Kuyaala Duleedka Dagmada Galinsoor Ee Goblka Galgduud Iyaga Codsanayana In Gurmada Deg Deg Ah Lala Soo Gaaro.
Cabashada Dadkaan Oo Aan ku Baahinay  Idaacada Iyo Wabsedka Ayaa Waxaa Idaacada Dalsan la Soo Xariiray Nabadoon Cabdulahi Cadceed Afar indhood Oo Ka Mid Ah Odayasha Dhaqanka Galinsor waxa Uuna Shegay Markii Ay Wabsedka Dalsan Ay Ka Dhegesteen Cabashada Dadkaasi Ay Bilaabeen In ay Gurmad Dag Dag Ah La Gaaraan Barakacyaashaas Ku Soo Xoola Beelay Abaaraha.
Nabadoonka Ayaa Shegay In Ilaa Afarkun Oo Qoys Ay Biyo Dhamin Usameeyeen Odayaasha Dhaqanka Iyo maamulka Dagmada Galinsoor  Oo Is Kaashanaya Waxa Sidoo Kale Uu  Shegay Inay Bilaabeen Aruurinta Rashin Ay Doonayaan In Dadkasi Lala Gaaro.
Nabadoon Cabdulahi Cadceed ayaa Xusay Dhibaatoyinka Ugu Waaweyn Ee Barakacyasha Ay Qabaan In ay Ka Mid tahay Biyo La’aan Iyo Cudurka Shuban Biyoodka Oo Deeganka Ka Dilaacay.
Ugu Danbeentii Nabadoonka Ayaa Maamulka Galmudug Dowlada Fadaralk Ah Jaliydaha Iyo Hay,adaha Samafalka Ugu Baaqay Inay Gurmar La Soo Gaaraan Dadkaasi Ay Abaartu Xoolahooda Dhafisay.
Halkan Ka Dhageyso Codka