Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cisaman (Yariisow) ayaa waxa uu Maanta Xaruunta Dowlada Hoose ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Talyaaniga kuwaas oo maanta soo gaaray magalada muqdisho,waxaana hoggaaminaayeu u qaabilsanaha dowladda talyaaniga geeska Afrika Luciano Pezzotti
Kulanka oo waqti  badan qaatay ayaa waxa ay ka wada hadleen  gudoomiyaha gobalka banaadir iyo wafdigii ka socday dowladda talyaaniga hormarka Caasimadda Soomaliya iyo sidii dowladda talyaaniga dhaqaalaha ay ku bixiso Soomaaliya looga faa’ideysan lahaa dhanka hormarka Caasimadda.
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cisaman (Yariisow) ayaa ugu horeyn ka warbixiyay qodobadii ugu muhiimsanaa oo ay ka wada hadleen laabda dhinac.
Dhanka kale Luciano Pezzotti  oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in dowladda talyaaniga iyo dowladda Soomaaliya u ka dhaxeeyo taariikh aad u fog isago sheegay in dhaqaalaha talyaanigu uu ay ku bixiyo Soomaaliya looga faa’ideysan doono horumarka kaabayaasha dhaqaalaha Caasimadda Muqdisho,sidoo kalena dowlada talyaaniga ay dib u dayactir ku sameyn doonto Safaaradeeda Soomaaliya eek u taalla Magaalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka u qaabilsanaha dowladda talyaaniga geeska Afrika Luciano Pezzotti. kana Daawo Sawirrada.