Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Tabid Cabdi Maxamed iyo Gudoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir  Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcale ayaa maanta kor meeray Xafiisyada ay ku shaqeyso Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Waxa uu mid mid u booqday Xafiisyada Gudoomiyaha Cusub ee Gobalku sidoo kalana waxa uu kormeer ku sameeyay Wadooyinka dib u dayactirka lagu sameeyay ee la saaray Laamiga.
Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa markii uu soo dhamaaday Kormeerku waxa uu la hadlay Suxufiyiinta,dhinaca kalana waxa uu ka warbixiyaya Xil wareejinta Caawa ka dhici doonto Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho.
Halkaan Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Gobalka.