Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari,ayaa sheegay in si Soomaaliya ay u gaarto Hanaanka doorashooyinka qof iyo cod ee qof walba codkiisa uu dhiibto in loo baahn yahay in la sameeyo Nidaamka Asxaabta badan ee Dastuuriga ah.
Waxa uu sheegay in marwalba dalka soomaaliya aysan dan u aheyn in lamaro habka doorasho dadban,isaga oo sheegay in inta laga gaarayo in qof walba codkiisa uu dhiibto xalka uu noqonayo in wax lagu doorto doorashada dadban.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lagu dadaalo sidii looga gudbi lahaa doorashada dadbadan loona gudbo doorasho qof iyo Cod ah.
Qodobada ugu horeeya Dastuurka Soomaaliya ayay ku qeexan tahay in Soomaaliya ay tahay dowlad Madax banana dadkuna ay qaadanayan Nidaamka Asxaabta badan qof walbana uu codeyn karo xaqna ay u leeyihiin balse dalka Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin laga dhaxlay dowlad la’aanta.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Jawaari.