Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka h ee WADANI Maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo Warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa marka hore ka hadlay aragtida ay ka qabaan Shirkad loogu Magac daray Soomaaliland oo laga aas-aasay Magaalada Dubai ee Wadanka Imaaraadka Carabta oo ay madax ka yihiin Wariirka Arrimaha dibada Soomaaliland iyo Safiirka Imaaraadka u fadhiya.
Waxa uu sheegay in Shirkadaan ay tahay tuugo sharciyeysan oo la doonayo in lagu dhaco Shacabka soomaaliland oo la daalaadhacayo sicir barar isla markaan ay u arkaan in ay tahay qiyaano Qaran sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay Gudoomiye  Cirro in masuuliyiintaas Madaxda ka ah shirkadaas ay iscasilaan hadii ay taas diidaana Madaxweyne Muuse Biixi laga doonayo in uu xilka ka qaado.
Sidoo kalena la doonayo in Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu ka ogyahay shirkadaas iyo in uu u wakiishay labadaasi Masuul.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gudoomiye Cirro.