Markii ugu horeysay ayaa maanta Shirweynihii Koowaad ee dhalinyarada Gobolka Banaadir waxaa isugu yimid dhalinyaro ka kala timid degmooyinka Gobolkaa Banaadir,waxaana ka soo qeyb galay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka arimaha bulshada iyo  Xubno ka socday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Dadakii ka qeyb galay Shirka ayaa waxaa wajiyadooda laga dheehanayay farxada ku aadan kulankaan uu furay gudoomiye Thaabit Cabdi Maxamed.
“Aniga Booska aan joogo waxa qeyb ka ah in aan dhalinyadara u adeego taa oo ay tahay fursadii ugu horeysay maadaama aan ka warhaayo xaalada ay ku nool yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed sidaasi waxaa yiri gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed oo  boqolaal ruux kala qeyb galayay Shirweynihii Koowaad oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Hoos Dhageyso Codka