Thaabit Cabdi Maxamed Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa baq u diray ciidamada amniga eek u sugan Gudaha Magaalada Muqdisho ee ka qeyb qaadanaya sugida amniga Caasimadda.
Gudoomiye Thaabit aya sheegay in waqtiyada qar ay ciidamadu Wadooyinka dhigaan dhagxaan iyo waxyaabo kale kuwaas oo burburinkara wadooyinka qaar ee dayactirka lagu sameeyay.
Waxa uu ugu baaqay gudoomiye Thaabit in Ciidamada Amniga looga baahan yahay in xiliyada ay wadaan howlgallada baaritaanada ah ay isticmaalaan tabeeloyinka Wadooyinka la dhigo balse ay joojiyaan dhagxaanta ay Wadada ku jarayaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiye Thaabita