Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qeyb galay tartankii Orodada Maanta loo qabtay dhalinyarada ka kala yimid dagmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Shacabka in ay la shaqeeyaan maamulka uu hogaanka u yahay.
Gudoomiye Yariisow ayaa sheegay in ay muhiim tahay wada Shaqeynta Shacabka iyo masuuliyiinta,isaga oo tilmaamay in horumarka Caasimadda Muqdisho uu ku jiro gacanta shacabka.
Yariisow oo hadalka sii wata ayaa intaas waxa uu ku siidaray Ka shaqeynta Danta Guud iyo Isku Tashi looga baahan yahay dadka ku nool Gobolka Banaadir.
Maamulka Gobolka Banaadir ee uu gudoomiyaha Ka yahay Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay dhowr Jeer in ay ka go,an tahay soo celinta Ammaanka iyo Bilicda Gobolka Banaadir oo ay Ahmiyad weyn Siindoonaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha.