Maalinta Berito ah oo Aaxad ah kuna beegan 28/1/2017 ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ay ka dhacdo doorashada Kursiga Xildhibaanimo ee uu waayay Taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Doorashada Kursigaas ayaa waxaa ku tartami doono lix Xubnood oo ay ka mid yihiin Madaxweynihii Hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Gudiga doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa waxa ay sheegeen in doorashadaas ay la socdaan isla markaana ay sicadaalad ah ku dhici doonto.
Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Madaxa Banaan Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) oo Sigaar ah ula hadashay Rdio Dalsan ayaa waxa ay sheegtay in Kursigaas ay u tartamayaan hal beel oo kaliya lana doonayo in la buuxiyo Kurigaas ka banaan beeshaas kaas oo uu horay u waayay waayay Taliyihii Ciidanka Nabad-Sugida Soomaaliya.
Waxa ay sheegtay in ay rajo wanaagsan ay ka qabaan in ay u dhacdo doorashada si wanaagsan oo cadaalad ah,isla markaana Ergo ka kooban 51 ay wax dooran doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka Madaxa Banaan.