Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo maanta shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in musharixiinta u tartamaya saddax kursi oo ka banaan Golaha shacabka looga baahan yahay inay isasoo diiwaan galiyaan ilaa 5-ta Bisha soo socota ee Febraury
Odayaasha dhaqan ayay ugu baaqday in looga baahan yahay inay soo gudbiyaan liiska Ergada doorashada ka qeybgalaya si ay ugu fududaado doorashada.
“laga bilaabo maanta oo ah 31-Janaury laga bilaabo ilaa inta laga gaarayo shanta Bisha soo socota ayay musraxiinta kuraasta u tartamaya fursad u heystaan inay isasoo diiwaan galiyaan si shahaadooyin loo siiyo ,odayaashii ku jiray 135-ta oday ayagana waa inay soo gudbiyaan magacyada Ergada si loo guda galo doorashada kuraasta ka banaan Golaha shacabkaâ€
Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka ayaa sidookale sheegtay in Guddigu si cadaalad kujirto oo korjoogto kala duwan iyo Warbaahintu goobjoog ka yihiin uu u qaban doono doorashada Kuraastaas ka bannaan Goolaha Shacabka.
Saddexda Kursi ee ka banana Golaha Shacabka laguna wado in doorashadooda ay dhacdo ayaa deegaan doorashadoodu waxa ay tahay Muqdisho,Kismaayo iyo Cadaado.
Sikastaba dhawaan ayaa Guddiga Doorashooyinka Qaranka magaalada Jowhar waxa  ay ku qabteyn Doorashada kursi kamid ahaa kuwa ka banaan Golaha Shacabka oo uu ku guuleystay Xildhibaan Nuur Iidow Beyle.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Gudoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey).