Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa sheegay in khilaaf soo laab laabta uu sababi karo in Maamulka Hir-Shabeelle uu fashilmo,isla markaana loo baahan yahay in laga gudbo.
Waxa uu sheegay in Baarlamaanka Hir-Shabeelle uu yahay kan ugu Shaqada badan Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada,sidaas daraadeedna loo baahan yahay in gacmaha la isqabsado.
Wuxuu hadalkiisa inatasi ku daray in Maamulka Hir-Shabelle uu yahay mid isku filan laakin muhiimadu ay tahay in waxqabad dhab ah la muujiyo,isla markaana loowada Shaqeeyo Bulshada Reer hir-Shabeelle.
Hadalkaan ayaa gudoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle waxa uu sheegay xilli Maanta u dib ugu laabtay Magalada Jowhar,kadib mudo uu ku sugnaa Magalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlaamanka Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.