Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed ayaa waxa uu soo bandhigay Saddex qodob oo uu sheegay inay xilligaan heystaan Hay’adaha Garsoorka dalka,isla markaana hortaagan.
Waxa uu sheegay in xilligaan caqabadaha heysta Garsoorka dalka ay ka mid yihiin,dhinacyada Dhaqaalaha,tababarada iyo dhisidii Awooda Garsoorayaasha Shaqaalaha,isla markaana ay tahay caqabada koowaad ee heysatada garsoorka.
Sidoo kale isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in ay muhiim tahay in Garsoorka dalka uu noqdo mid cadaalada ah oo huufan si loo soo celiyo kalsoonada dadka Soomaaliyeed ay ku qabaan Garsoorka.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar walba waxa ay ku celisaa in ay tayeyn doonto Garsoorka dalka,iyada oo isbedel ku sameysay Guddoomiyaha Maxkamada Sare iyo tan gobolka Banaadir.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Maxkamada Sare.