Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar [Filish] oo hadal ka jeediyay xerada tababarka ciidamada ee Janaraal Kaahiye oo ay ku sugnaayeen boqoolaal shacab ah oo ka soo hrjeeday qaraxii Ex-koontarool Afgooye ayaa ku baaqay in meel looga soo wadajeesto Shabaab.
Cumar Filish ayaa sheegay in Alshabaab ay ka dhaadhicinayaan dadka  qaraxii ka dhacay Soobe kii ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir iyo kii Ex-koon tarool in ay yihiin dhammaantood kuwa sax ah haseyeeshee in yihiin wax aan banaaneeyn.
“Maanta waa maalin ka astaysan maalmaha kale oo Bulshada Soomaaliyeed ay xamili u adkaysan weyday dacaayaadka iyo waxyaabaha aan la aqbali Karin umadda Soomaaliyeedna waxa la baabi’inaayo waa cududdoodiiâ€
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa faray dadka magaalada Muqdisho in ay soo sheegaan xubnaha Alshabaab si looga adkaado loona soo afjaro weerarada ay geystaan.
Ugu dambayntii waxa uu fariin u diray ganacsatada Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay in ay joojiyaan lacagaha ay siiyaan Alshabaab,isaga oo cadeeyay in halka ay joogaan ugu tegi doonaan dagaalamayaasha Alshabaab.
Halkaan Ka Dhageyso Codka