Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug xildhibaan Maxamed Xassan Geelle ayaa Beeniyey warar la xariira inay dib u dhacday doorashada madaxweynaha maamulkaas, oo ay warbaahinta qaar warisay, waxaana uu sheegay inuusan jirin isbadal ku yimid jadwalka doorsho ee Galmudug.
Xildhibaan Geelle, oo la hadlay Radio Dalsan waxaa uu sheegay inuusan jirin isbadal ku ymid xiiliga la qabanayo doorashada madaxweynaha Galmudug, islamarkaana ay ku ekeed diwaan gelinta musharaxiinta shalay oo ay ku beegneyd Shanta Bisha, Doorshadana ay dhici doonto sida uu yiri Tobanka Bishaan April, si loo doorto madaxweynaha cusub ee Galmudug.
Dhincakale xildhibaanku waxaa uu tilmaamay inuu jiro wada hadalo socda oo ku aadan arinta doorashada, wallow uusan qeexin waxaa uu la xariiro wada hadal kaas, oo laga yaabo inu dib u dhigo doorashada madaxweynaha Galmudug.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.