Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta sirasmi ah u ansixyay Golaha Wasiirada Maamulkaas kuwaas oo dhawaan isku-Shaandheyn lagu sameeyay.
Ruqiyo Abshir Gambane oo ka mid ah Xildhibaanada Koonfur Galbeed,ayaa sheegtay in Baarlamaanka uu ansixyay Golaha Wasiirada islamarkaana sidoo kale halkaasi lagu dhaariyay.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in si wanasgan loola Shaqeeyo Wasiirada.
Sidoo kale waxa uu Goobta ka sheegay in dhawaan loo guuri doono xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ee degmada Baraawe.
Hoos Ka Dhageyso Codka kana Daawo Sawirrada