Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa amanta kulan ku yeeshay xubnaha Cusub ee Golaha wasiirada koonfur Galbeed Waxaana shir gudoominayay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Sooamaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlayay dhanka amniga,iyo sidii ay u wada Shaqeyn lahaayeen Xubnaha Cusub ee Golaha wasiirada Koonfur Galbeed.
Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa shegay in kulanka inta uu socday la isku raacay dardargelinta Sugida amniga deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Madaxtooyada Koonfur Galbeed.