Qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada muqdisho ayaa waxa ay Maanta shir jaraa’id oo ay ku qabteyn Suuqa Bakaaraha kaga hadleyn cabasho ay ka qabaan canshuur kordhin lagu sameeyay Badeecooyinka u soo degaya.
Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen in dhowr mar cabashadooda wax laga qaban waayay sidaas darteedna ay ay joojinayaan Ganacsigii Suuqaweyn ee bakaraha wixii beri ka bilaawda.
Tallaabadaan shaqa joojinta ah ayaa waxa ay Ganacstadu ku sheegeen in ay ku keentay kadib markii ay xamili waayeen bixinta lacago dheeraad ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda Maaliyadd Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen,iyaga oo madaxda Dowladda ugu baaqy in ay waxka qabato cabashadooda.
Hoos Ka Dhageyso Shirka jaraa’id ee Ganacsatada.