Guddoomiyaha guddiga doorashada maamulka Galmudug Maxamed Xassan Geelle ayaa sheegay inay maanta ku eegtahay xilligii lagu balamay in la soo gabagabeeyo wadahadalada u dhaxeeya Ahu sunna iyo Galmudug.
Xildhibaanka ayaa sheegay in horey dowladda dhexe iyo Galmudug ay ugu heshiiyeen in wadahadalada labada dhinac la soo idleeyo 24-t bishaan oo maanta ku began, si loogu diyaar garoobo doorshada madaxweynaha galmudug oo dhaceyso 30-bishaan April.
Inkastoo wali labada dhinaca eysan gaarin wax heshiis ah ayaa hadane waxaa ay waxyar ka harsantahay xilliga doorashada Galmudug, oo ay xildhibaanadu sheegeen inaan dib looga dhici doonin 30- April.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.