Waxaa Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka h ee Maamulka Galmudug Maanta kulan deg deg ah ku yeeshay Golaha Wasiirada Maamulkas kadib xiisada Siyaasadeed ee galmudug oo circa isku sii shareertay.
Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa badankood ka hadlyay khilaafka soo kala dhexgalay Hoggaanka ugu sareeya Maamulka Galmudug taas oo ka dhalatay kadib markii Madaxweyne Xaaf uu taageeray Xulufada Sacuudiga.
Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa ka hdlay dgaaladii ka dhacay gobolka Mudug iyo sidii xal looga gaari lahaa Madaxda Maamulka Galmudug.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamed Aadan Cusmaan Mesagawaa, oo Warbaahinta u Akhriyay qodobadii ka soo baxay kulankaas oo ay ka mid ahaayeen.
1:- In la joojiyo shirarka siyaasadeed inta xal laga gaarayo khilaafka Siyaasadeed ee Ku soo kordhay Madaxda Galmudug
2:- In dowlad goboleedka Galmudug loo daayo xalinta khilaafka ka dhex jira dhexdeeda.
3:- Â In Waqti la geliyo howlaha mucaawino gaarsiinta dadka ay abaartu saameysay ee ku nool deeganada galmudug.
4:-Â in ay feejignaan muujiyaan Ciidamada amniga
5:- Sidoo kale Goluhu wax ay baaq u jeediyeen Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Bariga gobolka Mudug.
Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka