Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug oo Ciidamo tababar ugu soo xiray Magaalada Balihowd ayaa dardaaran u jeediyay ciidamadaas kaas oo ku aadanaa ka qeyb qaadashada dagaalka Al-Shabaab.
Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa Ciidamada u sheegay in ay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka joogaan Galmudug.
Waxa uu shegay in Al-Shabaab ay yihiin kuwo dhibaato ku haya dalka Soomaaliya balse Galmudug ay noqon doonto Maamulkii ugu horeeyay ee deegaanadiisa lagu waayo Al-Shabaab.
Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhowr mar ku celceliyay tan iyo markii ay midoobeen Galmudug iyo Ahlusunna in Shabaab laga saaro deegaanada ay ka joogaan gobolka Galgaduud laakin aan weli warkaas waxba ka soo bixin.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug.