Afhayeenka mamaulka Galmudug Cusmaan Taar dhuleed oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhuusamareen ayaa weerar afka ah ku qaaday mamaulka Puntland isaga oo u jeediyay eedeymo culus.
 Siyaasiyiin kasoo jeedda deegaanada mamaulka Galmudug ayuu ku eedeyay in ay ka shaqeynayaan dhibaatada Galmudug iyo in aysan dhismin isaga oo eedda ugu badan u jeediyay C/weli Gaas oo horay u soo noqday madaxweynaha Puntland.
Puntland waxa uu tilmaamay in ay yihii dowlad gobaleed deris la’ ah Galmudug loogana baahanyahay ixtiraam hase’ahaate hadii laga waayo in aysan gacmaha laaban doonin sida uu hadlka u dhigay.
Dhinaca kalana shacabka Galmuudg ayuu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan nabadgelyada eegaanada maamulkaas islamarkaana aan dadka lagu qal-qalgelin Alshabaab gacmahana la is qabsado si loo sugo amniga Galmudug.
Halkaan Ka Dhageyso Codka