Taliyaha Ciidanka ilaalada Waddoyinka Taraafikada ee maamulka Galmudug Daahir Maxamed Warsame ayaa amaro culus dhul dhigay wadayaasha gaadiidka ee ka howlgala deegaanada Maamulkaas.
Taliyaha Ciidanka Taraafikada Galmudug aya sheegay in ay kordheen shilalka gaadiidka ee dhacay bishaan oo kaliya kuwaas oo si gaar ah uga dhacayay gudaha magaalada Cadaado,isaga oo shaaca ka qaaday in ay kala darnaayeen khasaaraha ay geysteen shilalkaas.
Waxa uu sheegay magaalada Cadaado in ay ka dhaceen 6-Shil oo mid ka mid ah ay ku dhaawacmeen laba qof inkasta oo uu sheegay in ay fududaayeen dhaawacyada soo gaara, Shilka 7-baad ayuu tilmaamay in uu ka dhacay degaanka Godinlawe kaas oo ay ku dhintay hal qof Sexed kalana ay ku dhaawacmeen.
Ugu dambayntii Taliyaha Ciidanka ilaalada Waddooyinka Galmudug Daahir Maxamed Warsame ayaa digniin u diray wadayaasha gaadiidka isaga oo ugu baaqay in ay u hogaansamaan Shuruucda Waddooyinka,waxaana uu cadeeyay in darawal aan heysan Sharciga kixeynta gaadiidka in ay qaadanayaan masuuliyadda dhibta dhacda haddi kalana ay qaataan Leesinada Sharcigana ay u hogaansamaan.
Halkaan Ka Dhageyso Codka.
 Â