Munaasabad tababar loogu furayay Ciidamo Booliis isku-dhaf ah oo ka kala socday Dowlad goboleedyada  Puntland iyo Galmudug ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyayaasha Gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug, Maamulada Magaalada Gaalkacyo Saraakiil ka kala socotay UNSOM iyo AMISOM iyo qeybaha kale ee Bulshada labada Maamul.
Ciidamadaan Maanta tababarka loo furay ayaa ah wajigii labaad kuwaas oo ka kooban ilaa 100 Askari oo Booliis isku-dhaf kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida amniga Gobolka mudug.
Gudoomiyayaasha labada Maamul ee Gobolka Mudug  Maxamed Xaashi Cartan iyo Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Mudug Puntland Maxamuud Jaamac oo tababarka furay ayaa hadalo dardaaran ah u jeediyay Ciidamada tababarka loo furay.
Mid ka mid ah Saraakiisha ka socotay UNSOM ayaa sheegay in dhankooda ay mar walba diyaar u yihiin in ay caawimaad siiyaan Ciidamada ka qeyb qaadanaya sugida amniga Gobolka Mudug.
Hoos Ka Dhageyso Codadka kana Daawo Sawirrada.