Maalintii Talaada ee la soo dhaafay ayaa magaalada Fargo ee Gobolka North Decotta ee dalkan Mareykanka haweeney Mareykan ah oo cadaan ah, oo 42 jir ah, lagu magacaabo, Amber Hensley, waxey hadallo Islam naceyb ah ku weerartay una sheegtay inay dileyso sadex gabdhood oo Somali ah, xilli ay ku jireen gaarigooda oo yaala halka baabuurta la dhigto ee Dukaanka weyn ee Walmart loo yaqaan.
Gabdhahan ayaa kamerada taleefankooda ku duubay hadaladii haweeneydan oo ay ka mid ahaayeen waxaan ahay Americaan,dhamaantiin Muslimiinta waan idin dileynaa aada wadankiinna iyo kuwo kale. Waxaana fidowyga uu qabsaday baraha Bulshada.
Roda Soyan oo ka mid aheyd gabdhahaasi oo la hadashay Idaacadda Voa’da ayaa ka sheekeyneysa wixii dhacay iyo qabkii ay uga duubeen Gabadha u hanjabeysay.
Hoos Ka Dhageyso wareysiga Roda