Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal Puntland Wararka Radio Dalsan ka soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Gabar 6 Sano jir ah ay koronto ku dishay Magaaladaas.
Dhacdadaas oo ay ad uga naxeyn Bulshada ku noo Garoowe ayaa timid kadib markii Gabadha 6 Sano jirka ah ay qabsatay mid ka mid ah Baalayaasha korontada ee Magaalada Dhexmara,waxa sidoo kale waxyeelo soo gaartay Gabar kale oo iyana qabsatay.
Dhacdadaas ayaa daba joogtay xili lagu mashquulsanaa samatabixinta Gabar kale oo Baalayasha Korontada iyana qabsatay kadibna ay korontada ku dhegtay.
Maamulaha Shirkada Korontada NECSOM C/risaaq Maxamed Ismaaciil ayaa uga digay dadka ku nool Garoowe in ay qabsadaan baalayaasha Korontada Xambaara oo khataR nafeed ay ka dhalatay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Maamulaha Shirkada Korontada NECSOM.