Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayay Madaxweynaha Maamulka Puntland cabduweli Maxamed Cali Gaas,kaas oo ka ambabaxay Magaalada muqdisho.
Cabduweli Maxamed Cali Gaas,ayaa Muqdisho uga qeybgalay Shirka Golaha amniga Qaranka,waxana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Masuuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka Maamulka puntland C/xakiin Xaaji Cumar Cameey.
Madaxweyne Gaas,ayaa soo dhaweyn kadib waxa uu ka hadlay shirkii Golaha amniga Qaranka ee uu Muqdisho uga qeybgalay iyo qodobadii ay isla garteen Madaxda dowladda iyo kuwa Maamul goboledyada ee shirkaas ka qeybgalay.
Waxa uu sheegay in qodobadii looga hadlay ay ka mid ahaayeen dib u dhiska dalka iyo sidii loo dhisi lahaa Ciidamo iskudhaf ah oo ka qeyb qaata mideynta dalka iyo sugida amnigiisa.
Sidoo kale Madaxweyne Gaas,ayaa soo hadal qaaday shirka Golaha wasiirada Soomaaliya waxa uuna sheegay shirkaas uu ka dhigan yahay isu soo dhawaanshaha dowladda iyo Maamul Goboleedyada.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Gaas.