Ku dhawaad 200 gaadiid ah oo u badan nooca Xamuulka qaada ayaa waxaa ay ku xayiran yihiin deegaano dhowr ah oo Gobolka Shabeellaha Hoose,kadib markii halkaasi la sheegay in la soo dhigay Isbaarooyin hor leh.
Darawal kamid ah gaadiidleyda xayiran oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in gaadiidka xayiran ay gaaraan ilaa iyo 200 oo Gaari,kuwaasi oo ka yimid Magaalada Muqdisho,kuna sii jeeda deegaano ka tirsan Gobolka Baay,iyagoona isaga kala goosha Gobolada Baay iyo Bakool.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Darawalkaas in wadada ay Isbaaro soo dhigteen Maleshiyaad hubeysan oo wata Macwiis,isla markaana muddo 2 cesho ah ay ku xayiran yihiin Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Bali-Doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu sheegay in gaarigiiba laga rabo in uu bixiyo lacag dhan labada Milyan oo Shilan Somali ah.