Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa soo gaaray Fanaaniinta Caanka ka ah gayiga  Soomaaliyeed,kuwaasi oo kala ah Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal ,iyadoo si weyn loo soo dhaweeyay.
Fanaaniintan ayaa ka mid ahaa wafdi hourdhac u ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah ay uga bilaabatay Maanta dalka ku yimid.
Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal ayaa dalka ka maqnaa muddo ku dhow 30-Sano,iyagoo sheegay in ay aad uga faraxsan yihiin in ay dib ugu soo laabtan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Horey ayaa waxaa Magaalada Muqdisho u soo gaaray Fanaaniin badan,isla markaana qaarkood ay dib ugu laabteen dalalkii ay ku noolaayeen oo ay ka heleen degenaansho dagaaladii sokeeye kadib.
Hoos ka Dhageyso Codka Xasan Aadan Samatar iyo Axmed Cali Cigaal .