Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Maanta ka dhacay qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose,qaraxaas oo ahaa Miinada Nooca dhulka lagu Aaso.
Qaraxaab  ayaa la dhigay Wadada dhexdeeda halkaas oo ah Goob ay dadka Shacabka ah maraan sida uu radio Dalsan u sheegay Muxudiin Khaliif Caliyow oo ah Guddoomiye ku xigeenka degaanka Kuntur-waarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Miinadaaas loogu talo galay Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom oo ku wajahnaa degmada Baraawe balse inta aysan soo gaareen goobta Miinada ay qaraxday sababo la xiriira in halkaasi uu roob ka da’ay.
Waxa uu sheegay in aysan jirin cid qaraxaasi wax ku noqotay,islamarkaana ay iyagu tageen goobta uu qaraxa ka dhacay,mana jirin howlgal ay sameeyeen Ciidamada dowladda ee Goobta gaaray.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga