Dilka Haweeneydaan oo ka mid aheyd Ganacsatada tuulada Xawaadley oo 24km ka xigta dhanka Bari degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa yimid kadib markii ay wada murmeen Askariga ka tirsan ciidamada iyo qof ka mid ah dadka tuulada Xawaadleey.
Rasaas ayaa la sheegay in uu furay Askarigii taas oo haleeshay Haweeneyda geeriyootay oo Ganacsatada aheyd sida uu Dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka tuulada Xawaadley oo nala soo xiriiray.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Askarigii dilkaas ka dambeeyay uu Goobta ka baxsaday Meydka Haweeneydana ay qaadeen Eheladeeda.
Dhanka kale Gudoomiyaha deegaanka Xawaadley ayaa isna waxa uu sheegay in haatan ay ku raad joogaan Askarigii falkaasi dilka ah geestay dhawaana ay Gacanta ku soo dhigi doonaan.
Dadka ku nool tuulada Xawaadley ayaa aad uga naxay falkaan ay ku geeriyootay Haweeneyda Ganacsatada aheyd iyaga oo Maamulka ka dalbaday in ay keenaan Shaqsigii ka dambeeyay dilkaas.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Goobjoogaha.