Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku soo qaaday fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Cumar Beyre oo ka tirsan Afgooye.
Weerarkaas kadib ayaa waxaa dhacay dagaal u dhaxeeyay  Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab waxana la sheegay in dagaalkaas ku dhintay qof Shacab ah ku Shaqeysan jiray Mooto Bajaajta.
Sidoo kale waxaa la sheegay in halkaasi laga kaxestay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya in kastoo Maamulka degmada Afgooye iyo Saraakiisha ciidamada aysan ka hadlin dagaalkaas.
Hoos Ka Dhageyso Warbixinta Warkaan oo uu Afgooye ka soo diray Maxamed Cusmaan Ma’da.