Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilka Gabar ka tirsaneyd Ciidamada booliiska Soomaaliya oo xalay fiidkii lagu dilay Xaafada Jaamacadaha ee degmada Hodan Gobolkaan Banaadir.
Gabadhaan ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Ridwaan Salaad,waxaana dad goobjoogayaal ah ay Dalsan u sheegeen in lagu dilay goob ay fadhiday oo ay wax ka iibsatay isla markaana dadkii ka dambeeyay dilkeeda ay goobta ka baxsadeen.
Qof ka mid ah dadka Xaafada Jaamacadaha ee degmada Hodan ayaa sheegay in markii uu dilkaas dhacay ay Goobta noqotay mid lagu kala cararay,isla markaana Ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaliya ay goobta ka qaadeen meydka haweneyda ka tirsaneyd Ciidanka Booliiska Soomaaliya.
24,kii Saac ee la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacay dilal loo geystay Ciidamo ka tirsan dowladda iyo Dad Shacab ah,iyada oo aysan jirin cid loo qabtay dilalkaas.
Hoos Ka Dhageyso Codka Qof ka mid ah dadka Xaafada Jaamacadaha.