Wararka ka imaanaya deegaanka Deynuunaay ee Gobolka Baay ayaa sheegayaa in xalay dagaalamaayal ka tirsan Al-Shabaab ay weerer ku qaadeen deegaankaas,isal markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal culus.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan halkaasi ay ka hortageen weerar ay soo qorsheeyeen Alshabaab,kadib markii ay ka war heleen ciidamada dhaq dhaqaaqooda,sida uu sheegay Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar.
Waxa uu sheegay in dagaalki halkaasi ka dhacay ay guulo waaweyn ka soo hooyeen Ciidamada,isla markaan ay Al-Shabaab ku jebiyeen sida uu hadalka u dhigay.
Xaaladda deegaanka ayaa haatan degan,iyadoo mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed ay sheegeen in ciidanka Xoogga Dalka ay mar walba diyaar u yihiin in ay ka hor tagaabn cid allaala cidii isku-dayda falal la xiriira amnidarro.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed.