Magaalada Muqdisho waxaa banaabax ka sameeyaay Maanta Ehelada Cabdi Kariin (Qalbi Dhagax) oo ka mid ah madaxda Jabhada ONLF, lana dagaalanta dowladda Itoobiya balse la sheegay in dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ku wareejisay.
Banaanbaxa ayaa ahaa mid ay ku dalbanayeen in xurriyadiisa uu helo Cabdi Kariim Muuse (Qalbi Dhagax), waxaana goobta ku sugnaa 5 ka mid ah Caruurtiisa iyo mid ka mid ah Xaasaskiisa.
Xamdi Maxamed oo ka mid ah Xaasaskiisa oo Goobta ka hadashay ayaa sharaxeysa qaabkii dowladda Itoobiya loogu wareejiyay iyo Magacyada qaar ka mid ah Masuuliyintii Gacan ka geysatay.
Hoos Ka Dhageyso CodkaÂ