Kadib markii saakay aroortii hore Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM qarax lagula Isgoyska Ex-koontorool Balcad ayaa rasaas xoogan oo ay fureen waxaa ku dhintay dad dhamaantood ahaa Shacab.
Qaar ka mid ah Ehelada dadka la dilay ayaa Isbitaal Madiina ku soo bandhigay Meydadka afar ah,kuwaasi oo saakay AMISOM ay ku dishay Isgoyska Ex-koontorool.
Sidoo kale waxa ay sheegeen Ehelada inay aad uga xun yihiin falka lagu dilay dadkaasi,isla markaana aan la Aasi doonin ilaa iyo inta dadkii dambeeyay falkaasi cadaalada la horkeeno.
Ehelad dadka la dilay ayaa dowladda waxa ay dalbadeyn inay waxka qabato falkii saakay lagu dilay afar ruux oo dhamaantood ahaa dad Shacab.
Afarta ruux ee la dilay ayaa ka shaqeynaye Garaash ku yaalla Ex-koontorool Balcad,waxaana xiliga qaraxa uu dhacayay ay fadhiyeen goob shaaha laga cabo oo ku taalla meel aan ka fogeyn halka qaraxa lagula eegtay Ciidamada AMISOM .
Hoos ka dhageyso Codka Qaar ka mid ah Ehelada dadka la dilay