Sanad walbaa 9-ka May maanta oo kale ayey Midowga Yurub u dabaal maalinta aas aaskooda, waxaana maanta Muqdisho lagu qabtay munaasabad lagu weyneynayo maalinta  Midiwga Yurub oo 60 sano jirsaday
Xuska maalinta Midowga Yurub waxaa ka qeyb galay Kusimaha madaxweynaha jamhuuriyada, ahna guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, wasiiro ka tirsan xukuumada, guddomiyaha gobolka Banaadir, haweeneyda gudoomiyaha ka ah ururka midowga yurub iyo masuuliyiin kale , taasi oo maanta luga qabtay xarunta xalane ee Muqdisho
Dhinacakale Madaxda Midowga Yurub iyo Wasaaradda Qorsheynta ee xukuumada ayaa kala sixiixday hishiis muhiim ah, kaasi oo ah inay mashaariicda taageerida ee midowga Yurub ay la wareegto dowladda, waxaana ay bixiyeen lacag dhan 49 Million oo loogu tala galay in lagu xoojiyo waxbarashada soomaaliya.
Wasiirka wsaaradda qorsheynta Soomaaliya Jamaal Xassan ayaa warbahinta uga waramay heshiiskaas iyo muhiimadu uu u leeyahay dowladda.
Halkaan hoose ka dhgeys Codka.