Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Maanta kulan la qaatay Gudoomiyayaasha 17 degmo ee gobolka Banaadir.
Kulan kaan ayaa ahaa mid isbarasho ah,isla markaana ay Masuuliyintu ku gorfeeyeen arrimo badan oo ku saabsan Shaqooyinka horyaalla.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cabdi Fitaax Cumar Xalane oo Warbaahinta u faah faahinayay waxyaabihii ka soo baxay kulanka ayaa sheegay in intiisa badan ay uga hadleen warbixino ay gudoomiyayaasha degmooyinka siiyeen gudoomiye yariisow.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Afhayeen Xalane in Gudoomiye Yariisow uu ku wargeliyay in dhammaan masuuliyintoodu ay haldoon wada saaran yihiin loona baahan yahay in ay Shaqada dardargeliyaan.
Waxa uu soo hadal qaaday Warar maalmahaan leysla dhex marayay ee ahaa in uu jiro xilka qaadis lagu sameyn doono gudoomiyayaasha degmooyinka,waxa uuna sheegay in waqtigaan aysan jirin xilka qaadis deg deg ah loogana baahan yahay in qofwalba uu waajibkiisa uu ka soo baxo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Afhayeenka Gobolka Banaadir Xalane.