Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumer Cismaan Yariisow ayaa maanta xili Xarunta aqalka Dowlada Hoose ee Viisha-Governo uu ka furay Shir looga hadLayay hagaajinta maamulka iyo Maareynta Maaliyada Gobolka ayaa waxa uu dhaliiyay hanaanka shaqo ee Agaasimayaasha Waxyaaha qaabilka arimaha daqliga .
Waxa uu faray in ay joojiyaan shaqada lacag uruurinta ee maaliyadda ah balse ay dejiyaan istaraatiijiyada daqli ee Gobolka,waxana gudoomiye Yariisow uu sheegay in ay la xisaabtamayaan Agaasimayaashaasi.
Gudoomiye Kuxuxigeenka Maamulka iyo Maaliyada Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa dhankiisa qeexay ujeedka laga leeyahay hagaajinta lacaga soo gala Gobolka isaga oo sheegay in isbar baaryaaca Agaasimayaasha ay horseedeyso in nidaamkAn uu bur buro.
Arinta ugu weyn lee iminka loo qaabeenayo arimaha daqliga gobolka ayaa waxaa lagu sheegay in tahay sidii maamulkan uu ugu guuleysan lahaa in uu dib u soo celiyo adeegyada aas-aasiga ee bulshada ku dhaqan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Kulanka.