Ku dhawaad 20 ruux ayaa ku geeriyooday laba qarax oo gaari loo adeegsaday iyo iska hor imaadkii ka dhacay nawaaxiga Madaxtooyadda Somaliya xalay fiidkii.
Khasaaraha ugu badan ee rayidka soo gaaray wuxuu ka dhashay gaari ku qarxay agagaarka Isgoyska Jubba, meel gaadiidka la dhigto oo Hotelka Dorpin leeyahay.
Wasiirka amniga Somaliya ayaa sheegay dad badan oo shacab ah oo ka yimid Xeebta liido inay wax ku noqdeen qaraxaasi oo khasaare badan uu ka dhashay.
Wasiirka amniga ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ammaanka ay toogteen Shan nin oo hubaysan, kuwaasi oo ahaa raggii weerarka soo qaaday.
Sidoo kale intii uu socday iska hor imaadka ayaa waxaa dhintay saddex askari oo mid ka mid ah uu yahay askarta ilaalada Madaxtooyadda, halka labada kale ay ahaayeen ciidamada Waran ee Nabad Suggida ka tirsan.
Khasaare ayaa shacabka ka soo gaaray gaariga ku qarxay meel ku dhaw taalada Dhagaxtuur ee Degmada Waaberi, xilli gaarigaasi ciidamada ammaanka ay eryanayeen.
Isbitaalka Madiina ayaa la geeyay dhaawacyada ugu badan ee waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadii iyo iska hor imaadkii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Soomaaliya.