Guddoomiyaha,Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali oo Warbaahinta dowladda kula hadlayay Xafiiskiisa ayaa ka hadlay hadalheynta ku aadan in ay jiraan dad xiligaan mararka qaar soo daabaca lacago been abuur ah kuwaas oo diidmo laga muujiyo.
Waxa uu sheegay in cid alaala cidii soo sameysa lacago been abuur ah oo ay ku cadaato in aan laga yeeli doonin islamarkaana dowladda Federaalka Soomaaliya  dadkaasi ay ka qaadi doono talaabo sharci ah sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dhawaan dowladda Soomaaliya ay soo daabici doonto lacago Cusub si looga gudbo dhibaatada ay Shacabka Soomaaliyeed ku qabaan diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga.
Hadalka gudoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xili gobolada dalka qaarkood laga diidayay lacagta shilinka Soomaaliya taas oo ay ka dhasheen Shaqaaqooyin badan.
Hoos Ka Dhageyso Codka gudoomiyaha