Wasiirka Wasaarada Caadimaadka Jamhuuriyadda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ka hadashay ka warqabka xirfada dhaqaatiirta Ajaanibta ah ee dalka Qaliinada ka sameeya waxa ay sheegtay in Wasaaradu ay diyaariso Shuruuc ku aadan arintaas oo ay golaha Wasiirada ugudbiyeen marka ay ansixiyaana dhawaan Baarlamaanka loo gudbin doono.
Waxa ay intaas hadalkeeda ku dartay in Wasaarada Caafimaadka ay heyso kiisas ku aadan dhaqaatiir Geestey dhibaatooyin welina ay Wasaaradu wado baaritaano ku aadan arimahaas marka ay cadeemo ku helaana ay sharciga la tiigsan doonaan
Dalka Gudihiisa ayaa waxaa ka howlgala dhaqaatiir badan oo Ajaanib ah waxana Wasaraada ku shaqada leh ee Caafimaadka ay qorsheyneysaa in ay diyaariso shuruuc ku aadan ka war-qabka xirfada dhaqaatiirta Ajaanibta iyo kuwa kale ka shaqeeya arimaha Caafimaadka.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Caafimaadka