Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar isloow Ducaale iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Cali guudlaawe xuseen ayaa siwadjir ah fariin ugu diray Beelihii dhawaan ku dagaalmay tuuloyin hoostaga degmada Cadalle ee gobolka shabeellaha dhexe.
Mauuliyiintaan oo Maanta ka qeybgalayay Shirka dib u heshiisiinta Beelihii ku dagaalamay demada Cadalle kaas oo ka furmay ayaa waxa hadalka ku hormaray Wasiirka Amniga Soomaaliya waxa uuna yiri.
“Dadka walaalaha ah waxaa laga rabaa anaa gardaran iyo waaleyag gardaran yahay iyada oo aan la dhihin waxaa la rabaa in la sabro oo leysku dulqaato,meeshii dhib ka dhacana dib loo dhiso anaga ayaa u joogno Ehel ahaan iyo dowlad ahan intaba ayuu yiri Wasiir Ducaale.
Sidoo kale Mdaasha intii lagu guda jiray ayaa waxaa isna hadalka qaatay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe waxa uuna yiri.
“Waxaan rabaa in aan la dardaarmo beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay degmada Cadalle walaalaa tihiin maanta hadii aad walaalkaa disho waa garabkaaga oo aad dishay berina tii qiyaamo ayaa ku hortaalo ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Hoos Ka Dhageyso Codada Masuuliyiinta