Weli waxaa dalka Soomaaliya intiisa badan ka maqan Adeegii Internetka kaas oo Bulsho ad u farabadan ay si aad ah u istcimaali jireen balse waxaa haatan muuqata rajo ku aadan in markale uu dib usoo laabto qadaka loona isticamalo.
Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur oo la hadlay Idaacadda Dalsan xarunta Muqdisho ayaa sheegay in Markabkii sameyn lahaa Fiiladii Goa’day ee Internetka uu iminka ku sugan yahay halkii ay ka Go’aday ee u dhow Xeebha Xalane ee muqdisho islamarkaana uu ku howlan yahay Sameyntiisa.
Waxa uu sheegay in ugu dmbeen rajadu ay tahay mid wanasgan islamarkaana Gelinka dambe ee Maalinta Axada ah la soo gaba gabeyn doono Shaqada islamarkaana dadku ay sitoos ah Maalinta Isniintaa h u istcimaali doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka