Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Oomaar ayaa sheegay in dalka dhibaayinka ka jira ay ka mid yihiin isticmaalo taargooyin kala duwan.
Waxa uu sheegay in Gaadiidkii ka yimaada deegaanada Maamul goboleedyada markii uu soo galo Muqdisho uu iska furo taargada mid cusubna uu qaato isaga oo bixinaya lacag..
Waxa uu sheegay in qofka Gaadiidka leh ay mar walba dhibaato ku tahay bixinta lacagta joogtada ah taas bedelkeedana loo baahan yahay in la sameeyo taargo isku mid ah.
Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay madaxa sare ee dalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada in ay Wasaarada kala Shaqeeyaan sidii loo sameyn hal taargo guud ahaan dalka Soomaaliya.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka