Wasaarada Tamarta iyo kheyraadka Soomaaliya ayaa haatan wada qorsho ay dib ugu holgelineyso Xaruntii hore ee Wakaalada Biyaha soomaaliya oo ku burburtay dagaaladii Sokeeye ee dalka Soomaaliya ka dhacay.
Wasiirka Tamarta iyo kheyraadka Soomaaliya Saalim Caliyoow Ibroow ayaa sheegay in qorshihii dib loogu howlgelin lahaa Wakaaladii hore ee Biyaha Soomaaliya islamarkaana qorshahaas ay garab weyn ku siin doonto dowladda Soomaaliya Midowga Yurub.
Waxa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in Xaruntii hore ee Wakaalada biyaha Soomaaliya ay degan yihiin dad Shacab ah islamarkaana laga doonayo in ay ka guuraan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka