Kadib markii maalmihii la soo dhaafay baraha Bulshada lagu faahfaaiyay warar sheegaya in Hay’adda Duulista Hawada dowladda Soomaaliya ay hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa arrintaasi ka markii ugu horeeyay ka hadashay dowladda Soomaaliya.
Mareeyaha Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya Axmed Macalin oo la hadlay warbaahinta dowladda isaga oo ku sugan dalka Canada ayaa waxaa uu sheegay in uusan jirin war rasmi ah oo ka soo baxay ah oo lagu hakiyay duulimaadyadii Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Mareeyaha Hay’adda Duulista Hawada ayaa sheegay inuu jiro Amar ka soo baxay Hay’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed SCAA,kaasi ah in Shirkad kasta oo u duuleysa Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hay’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.
Si kastaba maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dhamaan la hakiyay duulimaadyadii Magaalada Kismaayo muddo u dhexeeysa 23-ka bisha September 2019 ilaa 26-ka Bishaan.
Hoos ka Dhageyso Codka Mareeyaha Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya