Dowladda Jabuuti ayaa shaacisay in ay u suurta gashay in ay Gacanta ku dhigaan Maraakiib Kalumeysi kuwaas oo sisharcidaro ah uga kaluuleysanayay xeebaha dalkaasi Jabuuti.
Axmed Nagaal Jibriil Agaasimaha Wasaaradda kaluumeysiga Jabuuti ayaa War-Baahinta u sheegay in Maraakiibtaan aysan soo marin Wadadii Sharciga aheyd islamarkaana ay sisharcidaro ah uga kaluumeesteen xuubaha dalka Jabuuti.
Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dhawan Maxkamad soo taagi doonaan Maraakiibtan kaluumeyso dadkii watay oo aan aheyn Somaali islamarkaana ay Sharciga la tiigsan doonaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Agaasimaha