Tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii dalka ayaa Xalay Markii ugu horeysay waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ka soo degtay Diyaarad rakaab ah o siday dad Shacab ah.
Diyaaradaan oo ay leedahay Shirkada Diyaaradaha Jubba Airweys ayaa siday in ka badan 200 oo Ruux oo badan kood ahaa dadkii ka qeyb qaatay Gudashada Waajibaadka Xajka Alle.
Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay talaabadaan ay qaaday dowladda Soomaaliya waxa uuna sheegay in ammaanka guud uu yahay mid si wanagsan loo sugay.
Waxa uu sheegay in dhamaan howlihii looga baahnaa in Garoonka uu xili habeen ah Shaqeeyo in ay u dhamestiran yihiin.
Qaar ka mid ah dadkii kas oo degay Diyaarada ayaa iyana waxa ay sheegeen in ay aad ugu farasaxsan yihiin in xili habeen ah Garoonka Diyaaradaha ka soo degto Diyaarad Sida dad Shacab ah.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka iyo Shacabka